Shirkadeennu waxay raadinaysaa Xisaabiye Xirfad Leh oo leh khibrad shaqo 2 ilaa 3 sano, kaas oo leh faham buuxa oo dhanka xisaabaadka iyo sidoo kale awood u leh inuu ka qeyb qaato hawlaha Sales-ka iyo horumarinta dakhliga shirkadda.
Waajibaadka (Mas’uuliyadaha):
- Dejinta qorshe maaliyadeed oo dhamaystiran oo waafaqsan istiraatiijiyadda shirkadda.
- Ka shaqeynta odoroska suuqa iyo qiimeynta fursadaha dhaqaale.
- Samaynta ilo dhaqaale cusub iyo kor u qaadista dakhliga shirkadda.
- Yaraynta iyo xakamaynta kharashaadka, iyadoo la raacayo nidaam cad oo xisaabeed.
- Samaynta qorshe fog oo maaliyadeed, warbixinno joogto ahna laga diyaariyo.
- Dib u habaynta iyo dhisidda nidaam maaliyadeed adag oo lagu hago dhaqaalaha shirkadda.
- Diyaarinta warbixino maaliyadeed bille iyo sanadle ah (Financial statements, Tax reports, Cash flow).
- Kormeerka iyo maaraynta: Petty cash, Invoices, Bank reconciliation, iyo xisaabaadka macaamiisha iyo alaab-qeybiyeyaasha.
- Ka qaybgal firfircoon hawlaha Sales-ka, sida:
- Ka mid noqoshada Waaxda iibka iyo la socodka jadwalka macaamiisha.
- Diiwaangelinta dakhliga Sales-ka iyo iswaafajinta xogta xisaabaadka.
- ka shaqaynta waaxda iibka si loo xoojiyo xiriirka macaamiisha.
- Dabagalka shaqooyinka macaamiisha iyo warbixinta iibka ee maalinlaha, bille, iyo quarterly.
- Ka qeyb qaadashada qorsheynta iyo istiraatiijiyadda suuq-geynta.
Shuruudaha:
- Shahaado Jaamacadeed oo la xiriirta Accounting, Finance, ama Business Administration.
- Khibrad 2–3 sano ah oo ku saabsan xisaabaadka shirkado ganacsi.
- Aqoonta softiweerada xisaabeed sida:
- Odoo ERP (khibrad dhab ah)
- QuickBooks
- Microsoft Excel – Advanced Level
- Faham buuxa oo ku saabsan hab-maamuuska xisaabeed iyo nidaamka GAAP.
- Kartida iyo khibradda in lagaalin karo hannaanka iibka (Sales process).
- Awood fiican oo isgaarsiin, qorsheyn, iyo maaraynta waqtiga.
- Diyaar u ah inuu qabto waajibaadyo isugu jira xisaab iyo sales support.
Sida Loo Codsado:
Fadlan foomkan buuxi kuna soo dir: – CV-gaaga
– Warqadda Codsiga (Cover Letter)
Fiiro Gaar ah:
Mudnaanta waxaa leh codsadeyaasha leh khibrad isku dhafan oo xisaabaad iyo sales ah, kuwaasoo leh dardargelin iyo faham guud oo ku saabsan maamulka ganacsiga.
Deadline: 20 July 2025
Job Type: Full Time
Job Location: Garowe
