XISAABIYE KHIBRAD LEH (ACCOUNTANT OFFICER)

Shirkadeennu waxay raadinaysaa Xisaabiye Xirfad Leh oo leh khibrad shaqo 2 ilaa 3 sano, kaas oo leh faham buuxa oo dhanka xisaabaadka iyo sidoo kale awood u leh inuu ka qeyb qaato hawlaha Sales-ka iyo horumarinta dakhliga shirkadda.

Waajibaadka (Mas’uuliyadaha):

  • Dejinta qorshe maaliyadeed oo dhamaystiran oo waafaqsan istiraatiijiyadda shirkadda.
  • Ka shaqeynta odoroska suuqa iyo qiimeynta fursadaha dhaqaale.
  • Samaynta ilo dhaqaale cusub iyo kor u qaadista dakhliga shirkadda.
  • Yaraynta iyo xakamaynta kharashaadka, iyadoo la raacayo nidaam cad oo xisaabeed.
  • Samaynta qorshe fog oo maaliyadeed, warbixinno joogto ahna laga diyaariyo.
  • Dib u habaynta iyo dhisidda nidaam maaliyadeed adag oo lagu hago dhaqaalaha shirkadda.
  • Diyaarinta warbixino maaliyadeed bille iyo sanadle ah (Financial statements, Tax reports, Cash flow).
  • Kormeerka iyo maaraynta: Petty cash, Invoices, Bank reconciliation, iyo xisaabaadka macaamiisha iyo alaab-qeybiyeyaasha.
  • Ka qaybgal firfircoon hawlaha Sales-ka, sida:
    • Ka mid noqoshada Waaxda iibka iyo la socodka jadwalka macaamiisha.
    • Diiwaangelinta dakhliga Sales-ka iyo iswaafajinta xogta xisaabaadka.
    • ka shaqaynta waaxda iibka si loo xoojiyo xiriirka macaamiisha.
    • Dabagalka shaqooyinka macaamiisha iyo warbixinta iibka ee maalinlaha, bille, iyo quarterly.
    • Ka qeyb qaadashada qorsheynta iyo istiraatiijiyadda suuq-geynta.

Shuruudaha:

  • Shahaado Jaamacadeed oo la xiriirta Accounting, Finance, ama Business Administration.
  • Khibrad 2–3 sano ah oo ku saabsan xisaabaadka shirkado ganacsi.
  • Aqoonta softiweerada xisaabeed sida:
    • Odoo ERP (khibrad dhab ah)
    • QuickBooks
    • Microsoft Excel – Advanced Level
  • Faham buuxa oo ku saabsan hab-maamuuska xisaabeed iyo nidaamka GAAP.
  • Kartida iyo khibradda in lagaalin karo hannaanka iibka (Sales process).
  • Awood fiican oo isgaarsiin, qorsheyn, iyo maaraynta waqtiga.
  • Diyaar u ah inuu qabto waajibaadyo isugu jira xisaab iyo sales support.

Sida Loo Codsado:

Fadlan foomkan buuxi kuna soo dir: – CV-gaaga

– Warqadda Codsiga (Cover Letter)

Fiiro Gaar ah:

Mudnaanta waxaa leh codsadeyaasha leh khibrad isku dhafan oo xisaabaad iyo sales ah, kuwaasoo leh dardargelin iyo faham guud oo ku saabsan maamulka ganacsiga.

Deadline: 20 July 2025

Job Type: Full Time
Job Location: Garowe

Apply for this position

Allowed Type(s): .pdf, .doc, .docx